Ad Code

Responsive Advertisement

Ticker

6/recent/ticker-posts

WAA MAXAY FOREX

WAA MAXAY FOREX





Forex, ama '' Foreign exchange" (ama FX), waa suuqa caalamiga ah ee lagu kala iibsado lacagaha waddamada kala duwan. Forex waa suuqa ugu weyn ee daqaalaha dunida, oo ku shaqeeya si joogto ah 24saac maalintii, shanta maalin ee shaqada toddobaadka.

waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu iibsado ama lagu iibiyo suqa Forex waa lacagaha. Tusaale ahaan, waxaad iibsan karta euro (EURO) adigoo isticmaalaya doolarka mareykanka (USD). Qiimaha lacagaha waxa go'aamiya dalabka iyo sahayda suuqa iyo arrimo dhaqaale iyo siyaasadeed.

Suuqa Forex waxaa inta badan isticmaala bangiyada, shirkadaha ganacsiga hay'adaha maaliyadeed, iyo malqabeennada si ay uga faa'iidaystaan isbeddellada qiimaha lacgaha. Ganacsiga Forex wuxuu u baahan yahay aqon, falaqeyn, iyo xeelad si loo fahmo isbeddellada suuqa.

SIDE AYA LACAG LOGA SAMEYA FOREX
Lacagta sida looga sameyo Forex waxa lagu gaara iyadoo la ganacsado farqiga u dhaxeeya sicirka iibsiga iyo iibinta lacagaha kala  duwan. Halkan waxaa ku qoran dhowr dariiqo oo lacag looga sameyn karo Fore:

1:  Ganacsiga sicirka kor iyo hoos (Spectulation):
     -Ganacsatada Forex waxay isku dayan inay ka faa'iidaystaan isbeddelada qiimaha lacagaha. 
     Tusaale ahaan, haddii aad filayso in qiimaha euro uu kordhi doono marka loo eego doollarka mareykanka, waxaad iibsan kartaa euro oo waxaad sugtaa kororka qiimaha. marki qiimuhu kordho, waxxad iibsan karta doollarka oo waxaad ka helaysa faa'iido.

2: Leverage (Awoodsiin)
    -Leverage waa hab aad ku isticmaali karto deyn si aad u kordhiso awoodda ganacsigaaga.
Tusaale ahaan, haddii aad leedahay $1000 oo deyn ah adoo adeegsanaya leverage waxaad sameyn karta ganacsi qiimihiisu yahay $100,000. haddii qiimuhu uu kaco oo aad faa'iido samaysid faa'iidadaada way sii kordheysaa. Laakin haddii qiimuhu hoos u dhaco, khasaarahaagana wuu sii kordhayaa.

3: Arbitarajka(Arbitrage)
-Arbitarajka waa hab ganacsi oo aad ka faa'iideysan karto kala duwanaashaha qiimaha lacagaha ee suuqyada kala duwan.Tusaale ahaan, haddii qiimaha euro uu ka duwan yahay suuqa New York marka loo eego suuqa London, waxaad iibsan karta euro qiimaha hoose oo aad ku iibin kartaa qiimaha sare.

4: Trading Robots iyo EAS (Expert Advisors)
- Dad badan waxay isticmaalan aaladaha iyo software-ka iswada oo loo yaqaan ''Expert Advisors (EAs)" si ay u fuliyaan ganacsiga Forex iyaga oo aan si toos ah u faragelin. kuwani waxay u ganacsadaan iyaga oo ku saleysan shuruuc ama falanqeyn horay loo dejiyey.





5: Maareynta Halista (Risk Management)
  -Suuqa Forex wuxuu  leeyhay halis badan, waxaana muhiim ah in aad leedahay xeelado mareynta halista, sida isticmaalka stop-loss si loo yareyo khasaaraha haddii suuqa uu ka hor yimaado saadaashaada.

6: Fiiro Gaar ah : Ganacsiga Forex wuxuu leeyayay halis weyn, waana suuragal inaad lumiso dhaman lacagtaada haddii aan si taxddar leh loo ganacsan. waxaa muhiim ah inaad barato suuqa, aad yeelato xeelado adag oo aad si mas'uuliyad leh ugu ganacsato. 




Post a Comment

1 Comments